skip to content
Primary navigation

Dheefaha Gargaarka degdega ah ee COVID ee SNAP way joogsanayaan

Saraakiisha federaalku waxay ku dhawaaqeen qoondaynta Gargaarka degdega ah ee COVID-19 inay joogsan doonto Febraayo 2023 kadib.

Intii lagu jiray musiibada COVID-19, Minnesota waxay ka heshay ka dhaafid dawladda federaalka si ay si ku meel gaar ah ugu bixiso dheefaha dheeraadka ah ee Barnaamijka Kaalmada Nafaqada (SNAP) ee loo yaqaan Gargaarka degdegga ee SNAP, ama E-SNAP. Korodhka ku meel gaarka ahi waxa uu kor u qaaday dheefaha billaha ah ee qoysaska ilaa saamiga ugu badan ee tirada qoyskooda - ama, haddii ay hore u helayeen lacagta ugu badan, qoysasku waxay heleen $95 dheeraad ah bil kasta.

Saraakiisha federaalku waxay ku dhawaaqeen in dheefaha Gargaarka degdegga ee SNAP ee COVID ee dheeriga ah ay joogsan doonaan kadib Febraayo. Maadaama Gargaarka Degdegga ah ee SNAP la bixiyo bil kadib marka SNAP la oggolaado, qoysaska badankoodu waxay heli doonaan lacag-bixintooda Gargaarka degdegga ah ee SNAP bisha Maarso oo dheefooyinka waxay ku soo noqon doonaan qaddarka caadiga ah bisha Abriil.

Su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo

Need extra help? Ma u baahan tahay caawimo dheeraad ah?

Yaan la xiriiraa si aan u helo caawimo cunto oo dheeraad ah?

Waxaan fahamsannahay in tani ay waqti adag u tahay dad badan oo reer Minnesota ah. Ilaha soo socda ayaa diyaar ah in ay kaaga caawiyaan bixinta caawimaad cunto oo dheeraad ah.

Khadka Caawinta Cunnada ee Minnesota waxa ay caawisaa dadka raadinaya khaanadaha cuntada, suuqyada beeralayda, qiimo-dhimisyada suuqa, iyo barnaamijyada cuntada. Wac 1-888-711-1151 ama booqowww.mnfoodhelpline.org.

MNFoodHelper.org waxay ka caawisaa dadka codsiga iyo dib u xaqiijinta dheefaha SNAP. 

WIC (Haweenka, Dhallaanka iyo Carruurta) waxay siisaa cunto nafaqo leh haweenka dakhligoodu yar yahay ee uurka leh, umusha ah, iyo naasnuujinaya, dhallaanka iyo carruurta ilaa da'da 5. Wac 1-800-942-4030 ama booqo health.state.mn.us/people/wic.

2-1-1 wuxuu bixiyaa agab iyo macluumaad kala duwan oo ah adeegyada aadanaha. Wac 2-1-1 ama booqo 211unitedway.org si lagaaga caawiyo ilaha cuntada, caawinta tamarta, kaalmada kirada, iyo in ka badan.

back to top