skip to content
Primary navigation
coverage-form-600x800

Ma u baahan tahay caymiska daryeelka caafimaadka?

Barnaamijyada daryeelka caafimaadka dadweynaha ee Minnesota waxay caymiska daryeelka caafimaadka siiyaan dadka reer Minnesota ee dakhligoodu hooseeyo ama aan haysan dakhli. Waxaan ku dhiirigelinaynaa qof kasta oo u baahan caymiska caafimaadka inuu codsado si loo arko inuu u-qalmo Kaalmada Caafimaadka ama MinnesotaCare, oo ay ku jiraan dadka reer Minnesota ee saacadaha shaqo laga dhimay, laga joojiyay shaqada ama waayay shaqooyinkoodii.

Kaalmada Caafimaadka waa barnaamijka Medicaid ee Minnesota. MinnesotaCare waa barnaamij khidmad ku saleysan oo loogu talagalay dadka dakhligoodu badan yahay si ay ugu qalmaan Kaalmada Caafimaadka balse laga helo lacag aad u yar si ay u bixiyaan caymiska gaarka ah. Dadka u-qalma MinnesotaCare marnaba ma bixiyaan wax ka badan $80 qofkiiba oo loogu talagalay khidmadooda. Barnaamijyadu waxay leeyihiin xaddi dakhli iyo hanti kuwaasoo ku xiran da'daada, cidda aad la nooshahay, iyo inaad uur leedahay, indhoole ama naafo tahay ama in kale. oo ay ku jiraan caymiska  ilkaha iyo aragga, iyo adeegyada caafimaadka oo ay ku jiraan caymiska  ilkaha iyo aragga, iyo adeegyada caafimaadka dhimirka iyo joojinta maandooriyaha.

Sida loo codsado

Inta badan dadka reer Minnesota waxay ka codsan karaan barnaamijyadaan onlaynka iyagoo u maraya MNsure, suuqa caymiska caafimaadka ee Minnesota. Waa kuwaan qaar ka mid ah tilmaamaha loogu talagalay buuxinta barnaamijka onlaynka ah ee MNsure. Wax badan ka ogow codsashada

Dadka qaarkood waa inaysan caymiska ka codsan MNsure. Dadkaani caadi ahaan waa waayeelada iyo dadka naafada ah:

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo codsiga?

Codsashada caymiska caafimaadka waa mid adag Ma ahan inaad keligaa xalliso.

La xiriir qof jiheeye ah oo af-Soomaali ku hadlo  si uu kaaga caawiyo inaad isdiiwaangeliso. Jiheeyeyaasha waxay kugu caawin karaan dhowr luuqadood oo kala duwan. Ka raadi luuqadaha kore midda kuugu fudud ee aad  nagu la soo xiriiri karto.

  • Ka wac Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka ee DHS lambarka 651-297-3862 ama 800-657-3672 si lagaaga caawiyo su'aalaha ama si aad u hesho codsi warqad ah.
  • La xiriir degmadaada ama xafiiska qabiilka Hindida Asalka ah.
  • Haddii aad naafo tahay, kala xiriir Xarunta Disability Hub MN lambarka 866-333-2466.
  • Haddii aad tahay 65 jir ama ka weyn, kala xiriir Senior LinkAge Line lambarka 800-333-2433.

Uma qalantid miyaa sharci ahaan sababo la xiriiro inaad tahay soogalooti?

Kaalmada Caafimaad ee Degdegga ah (EMA) waxay caymis siisaa Dadka reer Minnesota ee aan sharciga haysan kuwaasoo aysan sugnayn xaaladdooda socdaal ee ay ugu qalmi lahaayeen Kaalmada Caafimaad. EMA waxay dabooshaa xaaladaha caafimaad oo haddii aan la daaweyn 24-48 saac gudahooda ee:

  • Caafimaadkaaga gelin kara halis daran.
  • U keeni kara dhaawac halis ah sida uu u shaqeeyo jirkaaga.
  • U keeni kara cillad daran mid ka mid ah xubnahaaga ama xubnaha jirkaaga.

Xaaladaha caafimaad ee degdegga ah waxaa ka mid ah foosha iyo dhalmada.

Kaalmada Caafimaad ee Degdegga ah waxaa sidoo kale laga yaabaa inay daboosho daryeelka iyo daawaynta xaaladaha iyo adeegyada kale ee lagu bixiyo goobaha kale, oo ay ku jiraan kansarka, sifaynta kelyaha, beddelidda kelyaha, iyo daryeelka lagu helo hoyga xannaanada dadka waaweyn, xarumaha daawaynta dhimirka, goobaha bulsheed iyo guryaha.

Waad codsan kartaa Kaalmada Caafimaadka Degdegga ah adoo u maraya degmadaada ama xafiiska qabiilka Hindida Asalka ah Hindida Asalka ah.

Ma ugu baahan tahay caawimaad luuqadaada?

Wac Khadka Caawinta ee COVID-19 ee Qaxootiga iyo Soogalootiga si aad u hesho macluumaadka goobaha baaritaanka iyo taageerada caafimaad ee la xiriirta.

651-318-0989
Soo-wacayaasha ayaa sidoo kale ka heli kara caawimaad ku saabsan macluumaadka baahiyaha aasaasiga ah, ttaageerada waxbarasho onlaynka ah, shaqada iyo shaqaalaynta, baahiyaha dhaqaale iyo habka loo maro dhalashada muwaadinimo. Shaqaalaha Khadka Caawinta waxay ku hadlaan Amxaari, Anuwaak, Carabi, Faransiis, Hindi, Karen, Lingala, Luganda, Mashi, Oromo, Soomaali, Isbaanish iyo Sawaaxili. Khadka caawinta luuqadeed ayaa laga heli karaa luuqad kasta oo kale.

Khadka caawinta wuxuu furan yahay 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha.

Barnaamijyada daryeelka caafimaadka waa qaar ka mid ah adeegyada adiga iyo qoyskaaga laga yaabo inaad u-qalmataan inaad heshaan. Kuwa kale waxaa ka mid noqon kara taageerada dakhliga, daryeelka ilmaha, guriyeynta iyo taageerada cunto.

income-rev child care assistance icon housing iconfood-nutrition-rev

back to top