skip to content
Primary navigation

Waxaynu dhammaanteen leenahay hababkeena gaarka ah ee ku noolaanshaha nolosha taaso macne inoo leh. Hase yeeshe, marka aynaan wanaagsanayn ama welwelayno, waa muhiim inaynu haysano habab la tacaalid oo caafimaad leh. Kuwan waa tallaabooyinka aad u qaadi karto si aad u dhisto fayobidaada, iyo kheyraadkaaga kaa caawinaya inaad ka gudubto wakhtiyada adag.

Joogtee caafimaadka naftaada

  • Cun cunto caafimaad leh oo cab biyo
  • Iska ilaali xaddi xad dhaaf ah oo kaafeyn iyo aalkolo ah
  • Ha isticmaalin tubaakada ama daroogooyinka sharci darada ah
  • Hel hurdo kugu filan iyo nasasho
  • Hel jimicsi jidheed

crisis-help

Isticmaal habab sax ah si aad u nasato

  • Nasi jidhkaaga si joogto ah adigoo sameynaya waxyaabaha kuu shaqeynaya — qaado neefsasho xoogan, iskala bixi, khushuuc, ka qeybgal hiwaayado raaxo leh, ama xataa samee wax u fudud sida dhaqida wejigaaga ama gacmahaaga
  • Deji naftaada inta u dhexeysa hawlaha welwelka leh oo samee wax madadaalo leh kadib hawl culus
  • Isticmaal wakhtiga fasaxa si aad u nasato — cun cunto wanaagsan, akhri, dhagayso heeso, ama la hadal qoyska
  • Dareenkaaga kala hadal dadkaad jeceshahay iyo saaxibadaada inta badan.

U dhug yeelo jidhkaaga, dareenkaaga iyo ruuxdaada

  • Aqoonso oo dhageyso calaamadaha digniinaha hore ee welwelka
  • Aqoonso sida waaya aragnimadaadi hore ay u saameyso habka aad u maareyso dhacdadan oo ka fikir sida aad u maareysay dhacdooyinki hore. U fiirso habka aad sida wanaagsan ugu maareysay
  • Ogoow in dareemida welwelka, diiqada, qoomamada ama xanaaqu ay caadi yihiin kadib dhacdo leh jug maskaxeed
  • Wakhti u qaado si aad ruuxdaada ugu cusbooneysiiso adigoo u maraya khushuuc, duco ama caawinta dadka kale ee baahida leh.

Macluumaadh dheeraad ah oo ku saabsan sida loo maareeyo welwelka (PDF)
Macluumaadka loogu talagalay carruurta (PDF)

all-in-this-together

Ma u baahan tahay inaad la hadasho qof? Caawimo ayaa la heli karaa.

Taageero taleefan oo leh ammaan iyo taagerid.
Warmlines MN
Wac 651-288-0400 ama 877-404-3190
ama qoraalka "support" u dir 85511

Miyaad tahay ama ma taqaana qof qaba dhibaato caafimaadka maanka?

Si aad bilaash ugula hadasho xirfadle ku caawin kara:

Ilaha dheeraadka ee caawimada

back to top