Waxaa laguu soo diri doonaa warqad ciwaankeedu yahay “Health Care Notice.” ("Ogaysiiska Daryeelka Caafimaadka." Waxaa ku qornaan doona kuwan midkood:
Haddii dadka kale ee qoyskaaga ka tirsan ay u qalmaan barnaamijyo kale, ogeysiiska waxaa ku jiri doona macluumaadka u-qalmitaankaas sidoo kale.
YMarka laguu ogolaado MinnesotaCare, caymisku wuxuu bilaabmayaa bisha ka dambaysa marka aad bixiso lacagta caymiska haddii aad khidmad bixinayso. Haddii khidmadaada caymisku tahay $0, u gudub talaabada 3.
Waxaad u baahan tahay inaad ku bixiso biilka caymiska ugu dambayn duhurkii maalinta ganacsiga ee ugu dambeysa bisha si uu caymisku u bilowdo maalinta ugu horeysa ee bisha xigta. Waxaad ku bixin kartaa khidmada biilkaaga:
Tusaalaha biilka ugu horreeya ee bisha:
Si aad u sii hayso MinnesotaCare, waa inaad bixisa biilka bishii bil kasta. Waxaa lagaa rabaa 15-ka bisha bil kasta. Khidmadaha caymiska ee la helo wixii ka dambeeya 5:00 p.m. ama feestada ah ama maalmaha dhamaadka asbuuca waxaa loo xisaabin doonaa maalinta shaqada ee soo socota.
KaaRkaaga aqoonsiga Barnaamijyada Daryeelka Caafimaadka EE Minnesota wuxuu u egyahay sidan:
Taas macnaheedu waxa weeyaan inaad leedahay caymis caafimaad. Tus marka aad hesho adeegyada daryeelka caafimaadka.
Dadka isdiiwaangeliyay qaarkood ayaa waxay caymiskooda MinnesotaCare ku helaan qorshe caymis caafimaad. Qorshayaasha caymiska caafimaadku waa:
Haddii aad tahay xubin ku jira qorshe caymis caafimaad, waxaad boostada ku heli doontaa kaarka kale oo aqoonsi ah, kaas oo kaaga yimid qorshahaaga caymiska caafimaadka. Waa inaad u tagto dhakhaatiirta, dhakhaatiirta ilkaha iyo daryeel bixiyeyaasha kale ee ku jira shabakada qorshahaaga caafimaadka si aad u hesho adeegyada badankooda. Shaqaalaha adeegyada xubnaha qorshahaaga caymiska caafimaad ayaa kaa caawin kara inaad hesho daryeel bixiye. Haddii aad u baahan tahay inaad aragto dhakhtar takhasus leh, la xiriir qorshahaaga caymiska caafimaadka oo weydii haddii aad u baahan tahay u gudbinta takhasuslaha kahor intaadan tegin. Wax badan ka ogoow qorshaha caymiskaaga caafimaadka.
Haddii aadan xubin ka ahayn qorshaha caymiscaafimaad, waxaad haysataa waxa loo yaqaano caymiska “fee-for-service” ("adeega khidmada leh"). Taas macnaheedu waa in aad u tagi karto dhakhtar kasta, dhakhtarka ilkaha ama daryeel bixiye kasta oo ku jira Diiwaanka Bixiyaha (Provider Directory). Daryeel bixiyeyaashan dhamaantood way aqbalayaan caymiskaaga. Waxa kale oo aad wici kartaa Xarunta Wicida Taageerada Macaamiisha ee Daryeelka Caafimaadka si aad u hesho adeeg bixiye.
Ogoow wax badan oo ku saabsan caymiska “fee-for-service” ("adeega khidmada leh").