Siyaabaha loo cusbooneysiinayo ceymiska
Markay soo dhawaato taariikhda cusbooneysiinta, samee waxyaabaha soo socda.
Isa sii diyaari
Ogow taariikhda cusbooneysiinta oo hubso in ay sax tahay sida laguula soo xiriiri karo, si ay kuu soo gaaraan waxyaabo muhiim ah oo wakhtigoodu xadidan yahay.
Dhug u yeelo bakhshad Dhibic Buluugan
Ka warhay waraaqaha boostada bakhshad leh dhibco buluug ah oo ay ku qoran tahay Lifaaqu Waa Macluumad Muhiim ah. Markay ku soo gaarto bakhshadda cusbooneysiinta ceymiska isla markiiba bilow.
Buuxi foomka waraaqaha
Soo uruurso waraaqahaaga oo ku sii buuxi foomamka oo dhan.
Noogu soo dir wakhtiga lagaa sugaayo
Hubso in aad soo dirto waraaqaha cusbooneysiinta ka hor wakhtiga kama-dambeysta ah. Markaad waraaqaha soo dirto, waa wixii lagaa rabay—welwel la'aan!
Su'aalo?
Haddii aad haysato ceymiska MinnesotaCare, oo ay jiraan dad qoyskaaga ka tirsan oo haysta Medical Assistance iyo MinnesotaCare, ama haddii aad qabto su'aalo guud, soo garaac taleefanka Xafiiska Macaamiisha ee Daryeelka Caafimaadka ee DHS 651-297-3862 ama 800-657-3672. Haddii aad haysato Medical Assistance oo aad su'aalo ka qabto kiiskaaga, taleefan kula xiriir maamulka deegaanka ama xafiiska beelaha dalkan loogu yimid.
Ma u baahan tahay caawimaad dheeraad ah?
Waxaan kuu caawineynaa caafimaadkaaga oo waxaan rabnaa in aan ku taageerno. Hoos ka akhriso dhowr waxyaabood oo kale oo kuu fududeyn kara habraaca muhiimka ah ee cusbooneysiinta ceymiskaaga caafimaadka.
Habka baarashada taariikhdaada cusbooneysiinta
Ogow markaad filaneyso waraaqaha boostada ee habka cusubooneysiinta.
Habka BaarashadaCusbooneysiiso Sida Laguula Soo Xiriirayo
Waxaa muhiim ah inaan kula soo xiriiri karno marka la joogo wakhtiga cusbooneysiinta ceymiska caafimaadka.
Cusbooneysii Sida Laguula Soo XiriirayoLa hadal qof shaqaale ah
La xiriir ceymiska caafimaadka ama caawiye, waxay rabaan in ay ku caawiyaan.
Diiwaanka Ceymiska CaafimaadkaCaawiyeyaasha MNSureHa lagaaga jawaabo waxaad xaq u leedahay
Hel jawaabaha su'aalaha cusbooneysiinta, sida macluumaad badan oo la sii duubay.
Macluumaadka Xaqu-yeelashadaRukumo farriimaha cusub ee Boostada Intarnetka
Rukumo in aad hesho digniinaha boostada intarnetka ee macluumaadka boggan ku cusub.
Rukumo farriimaha Boostada Intarnetka