Xaddidaada dakhliga
Haddii dakhligaaga sannadlaha ah ka hooseeyo caddadahaan soo socda ee ku salaysan tirada qoyskaaga, waxaa laga yaabaa inaad u-qalanto kaalmada daryeelka ilmaha.
Tirada dadka | Dakhliga sannadlaha ah kahor canshuuraha |
---|---|
2 | $40,156 |
3 | $49,605 |
4 | $59,053 |
5 | $68,502 |
6 | $77,950 |
7 | $79,722 |
8 | $81,493 |
9 | $83,265 |
Sidee ayuu u shaqeeyaa Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Ilmaha?
- Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Ilmaha ayaa kaa caawin kara bixinta kharashaadka daryeelka carruurta.
- Kharashaadka daryeelka ilmaha waxaa laga yaabaa in lagu bixiyo marka aad shaqaynayso, shaqo raadinayso, aadayso dugsiga, ama kaqaybqaadanayso hawlaha ku jira Barnaamijka Maalgashiga Qoyska ee Minnesota ee la ansixiyay ama qorshaha shaqo ee Barnaamijka Shaqo ee Weecsan.
- Ma jiro waqti xaddidan muddada aad heli karto kaalmada daryeelka ilmaha, ilaa iyo inta aad ka soo baxayso shuruudaha oo dakhligaagu ku jiro xaddidaada loogu talagalay tirada qoyskaaga.
- Daryeelka ilmahaaga waa inuu bixiyaa bixiyaha sharciyeed kaasoo ugu yaraan 18 jir ah.
- Si aad u hesho kaalmada daryeelka ilmaha si gacan looga geysto bixinta kharashaadka daryeelka ilmaha waa inaad tahay waalid, aayo ama adeer, mas'uulka sharciga ah ama daryeelaha qaraabada xaqa u leh.
Waxaad ku buuxin kartaa codsi onlayn ah barta MNbenefits.mn.gov. La xiriir xafiiska adeegyada aadanaha ee ismaamulkaaga ama hay'adda deegaanka ee haysata qandaraaska si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codsashada kaalmada daryeelka ilmaha.
Si aad u fiiriso xaaladda codsigaaga ama kiiskaaga, la xiriir xafiiska adeegyada aadanaha ee ismaamulkaaga ama hay'adda deegaanka ee haysata qandaraaska.
Liiska sugitaanka ee Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Ilmaha
Hay'adaha qaarkood ayaa haysta liiska sugitaanka daryeelka ilmaha ee qoysaska oo aan dhawaan helin macaashyada ugu dambeeyay ee Barnaamijka Maalgelinta Qoyska ee Minnesota (MFIP) ama Barnaamijka Shaqada ee Weecsan (DWP). Haddii hay'adaadu leedahay liiska sugitaanka la xiriir hay'adaas si loogu daro liiska.
Ma rabtaa in lagaa caawiyo helida daryeelka ilmaha?
- Waad ka raadin kartaa onlaynka ama wac 888-291-9811. Raadinta waxaa lagu heli karaa luuqado badan wuxuuna bixiya:
- Qiimaynta xiddigeed ee loogu talagalay daryeelka ilmaha iyo barnaamijyada waxbarashada hore
- Macluumaadka ku saabsan gacan ka geysashada bixinta daryeelka ilmaha iyo waxbarashada hore
- Haddii aadan helin waxa aad raadinayso, waxaad wici kartaa 888-291-9811, si aad uga hesho caawimaad qof ka socda Child Care Aware of Minnesota oo yaqaana daryeelka ilmaha iyo xulashooyinka waxbarashada hore oo ku hadla luuqadaada
- Barnaamijyada Bilowga Hore iyo U-diyaargarowga Dugsiga waa ikhtiyaaraadka waxbarashada hore oo bilaash ah ama qiimo jaban oo loogu talagalay qoysaska ugu qalma ee dakhliga. Uga raadi onlaynka ismaamul, magaalo ama degmo-dugsiyeed ahaan si aad u hesho barnaamijyadaan waxbarasho.
- Dhigaalada loogu talagalay qoysaska carruurta leh ee Minnesota DHS-6650-ENG (PDF)
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Ilmaha
- Ka hel macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Ilmaha iyo su'aalaha inta badan la isweydiiyo barta mn.gov/dhs/people-we-serve/children-and-families/economic-assistance/child-care/programs-and-services.
- Ka hel macluumaadka xiriirka ee hay'adaha kaalmada daryeelka ilmaha iyo Barnaamijka Kaalmada Daryeelka ilmaha ee Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota barta mn.gov/dhs/people-we-serve/children-and-families/economic-assistance/child-care/contact-us.
- Ka hel dhigaalada kaalmada daryeelka ilmaha ee loogu talagalay qoysaska iyo bixiyayaasha barta mn.gov/dhs/people-we-serve/children-and-families/economic-assistance/child-care/resources.
Dhigaalada kale ee daryeelka ilmaha ee loogu talagalay qoysaska
Deeqaha waxbarashada hore
Deeqaha waxbarasho waxay ka caawiyaan qoysaska inay helaan daryeelka ilmaha oo tayo sare leh iyo barnaamijyada waxbarashada hore. Wixii macluumaad dheeraad ah, wac 888-291-9811 ama booqo bogga Deeqaha Waxbarashada Hore ee Waaxda Waxbarashada ee Minnesota.
Barnaamijka deeqda daryeelka ilmaha ee dugsiga sare kadib
Booqo mareegta Xafiiska Waxbarashada Sare ama ka hubi xafiiska kaalmada dhaqaale ee dugsigaaga.
Barnaamijyada daryeelka ilmaha ee loogu talagalay qoysaska ku jira ciidanka
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mid ka mid ah barnaamijyadaan daryeelka ilmaha: kala xiriir Child Care Aware khadka teleefanka ah 800-424-2246, ama booqo bogga Kaalmada/Nasinta Lacagta ee bogga ee ku jira mareegta Child Care Aware.
Barnaamijyada Bilowga Hore iyo Sii Bilowga Hore waxay fidiyaan adeegyada carruurta iyo qoysaska ee qaybaha aasaasiga ah ee waxbarashada hore, caafimaadka iyo fayo-qabka qoyska iyadoo la looga qeybgelinayo waalidiinta danwadaag ahaan. Kala xiriir Waaxda Waxbarashada ee Minnesota lambarka 651-582-8412 si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, ama raadi barnaamijka Bilowga Hore iyo Sii Bilowga Hore ee kuu dhow.
Daryeelka ilmaha keliya waa qaar ka mid ah adeegyada adiga iyo qoyskaaga laga yaabo inaad u-qalmataan inaad heshaan. Kuwa kale waxaa ka mid noqon kara daryeelka caafimaadka, guriyeynta, taageerada cunto iyo taageerada dakhliga.