skip to content
Primary navigation
 

Afaan Oromo | English | Español

Qof kasta oo ku nool Minnesota wuxuu mudan yahay xasilooni maskaxda ah oo ay keentay lahaanshaha caymiska caafimaadka. Caymiska caafimaadku wuxuu kaa caawinayaa in aad ku sugnaato sida ugu caafimaad qabka wanaagsan oo aadna noloshaada ugu noolaato si buuxda. Waxa kale oo uu kaa dhowraa kharashyo badan ee ku geli lahaa haddii ay dhacdo in aad bukooto ama aad dhaawacanto. 

MinnesotaCare waxay bixisaa caymis caafimaad oo bilaash ah ama qiimo jaban oo ay siiso dadka aan heli karin caymis caafimaadyo kale dadkaas oo ku nool Minnesota. Xaaladda socdaalka kuma xirna arintaan. Codsadayaashu waa in ay buuxiyaan xadka dakhliga iyo shuruucda kale

Qof walba waa lagu soo dhaweynayaa in uu codsado.

Arjiyada codsiga waxaa la aqbalayaa 24/7/365 (maalin walba sanadka oo dhan).

 

MinnesotaCare waxay kaa caawinaysaa in aad bixiso

Daryeelka caafimaadka ee caadiga ah

  • Arkidda dhakhtarka
  • Adeegyada caafimaadka maskaxda iyo hab-dhaqanka
  • Baaritaannada indhaha iyo muraayadaha/ookiyaalaha indhaha
  • Baaritaanada ilkaha iyo howlaha caafimaadka ilkaha qaarkood
  • Qalabka caafimaadka (tusaale, bakooradda  socodka ee afarta lug leh)
  • Daawada
  • Raajooyinka iyo baaritaanada shaybaarka
  • Daaweynta oogada (Chiropractic)  iyo acupuncture

Daryeelka caafimaadka ee ka hortagga ah

  • Baaritaanka caafimaadka ee sannadlaha ah 
  • Baaritaannada fayoqabka
  • Tallaalka iyo iyo talaal qaadashada
  • Daryeelka uurka iyo doulas (wehelka xilliga foosha)
  • Qorshaynta qoyska (tusaale, ilaalinta dhalmada)
  • Baaritaanka naasaha ee mammogram, baaritaanada qanjirka 'prostate' iyo baaritaanada kale ee kansarka

Daryeelka caafimaadka takhsuska gaarka ah

  • Baxnaaninta (tarabiyda shaqada, jidhka, iyo tan hadalka)
  • Adeegyada isticmaalka walxaha maanka dooriya
  • Maqaarka
  • Qaliink
  • Daryeelka jinsi-xaqiijinta
  • Barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee dugsiyada

Daryeelka caafimadka degdega ah

  • Daryeelka degdega ah
  • Ambalaas (Ambulance)
  • Qolka gurmadka degdegga ah
back to top