Dhigaalada gaarka ah ee HB101
Goobo badan oo laga helo caawimaad
- Dadka wajahaya guri ka saarista ama xaaladaha degdegga ah ee kale ayaa laga yaabaa inay u-qalmaan caawimaad degdeg ah. Hal barnaamij waxaa loogu talagalay qoysaska leh carruurta iyo mid kale oo loogu talagalay dadka waaweyn ee aan lahayn carruurta.
- HOME Line waxay bixisaa adeegyo sharciyeed, abaabul, waxbarasho, iyo u doodid qiimo jaban si kiraysteyaasha ku nool Minnesota oo dhan ay u xalliyaan dhibaatooyinka kirada guriyeynta.
- Homeowner’s HOPE hotline (Khadka degdegga ah ee telefoonka ee mulkiilaha guriga) waa khadka degdegga ah ee telefoonka ee heerka qaran ee la-taliyayaasha la heli karo 24 saac maalintii, 7 maalin isbuucii. Lambarka telefoonku waa 1-888-995-HOPE (4673).
- Minnesota Homeownership Center (Xarunta Mulkiiliyada Guri ee Minnesota) waxay kaa caawin doontaa inaad hesho la-taliye kaa caawiyo guriga lagaa la wareegayo.
- Ka soo warbixi takoorka guriyeynta The Minnesota Department of Human Rights website (mareegta Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota).
- Disability Hub MN (Xarunta Naafada ee MN) waa shabakadda dhigaalada ee gobolka oo dhan laga helo ee bilaashka ah oo kaa caawinaysa inaad xalliso dhibaatooyinka, fahanka nidaamka iyo qorsheynta loogu talagalay mustaqbalkaaga.
- Ma ku saamaysay xiritaanka Evergreen Recovery oo ma u baahan tahay guri ama macluumaadka joojinta isticmaalka daroogada? Boggan ayaa bixiyo macluumaadka hoyga, daawaynta, iyo taageerada dhanka cunnada.
Adeegyada taageerada guriyeynta waa qaar ka mid ah barnaamijyada adiga iyo qoyskaaga laga yaabo inaad u-qalmataan inaad heshaan. Kuwa kale waxaa ka mid noqon kara daryeelka caafimaadka, daryeelka ilmaha, kaalmada dakhliga iyo taageerada cuntada.