Daryeelka carruurta ee Qoyska, saaxiibka iyo deriska (FFN).
Waxaan taageero siinaa qoysaska, saaxiibada iyo deriska Minnesota ee daryeela carruurta.
Daryeelayaasha qoyska, saaxiibka iyo deriska (FFN) waa daryeelayaal guriga joogo oo u shaqeeya qaab ka baxsan nidaamka daryeelka caruurta ee rasmiga ah. Daryeelayaasha waxa ka mid ah awooweyaal, eddooyin/habaryarro, abtiyaal/adeerro, qaraabada qaangaarka ah, walaalo waaweyn, saaxiibbo, deris, iyo kuwa kale ee bixiya daryeelka carruurta ee aan rasmiga ahayn. Guud ahaan, daryeelayaashan FFN waxay ku xanaaneeyaan tiro yar oo caruur ah gurigooda waxayna caadi ahaan si sharci ah looga dhaafaa shuruudaha sharciyeynta ama shatiyaynta. Qaar badan oo ka mid ah daryeelayaasha FFN ayaa sidoo kale ku bixiya daryeelka carruurta lacag la'aan, qaarna si khaas ah ayaa loo lacag siiyaa.
Bixiyeyaasha daryeelka qoyska, saaxiibka iyo deriska (FFN) maaha ganacsiyo daryeel carruur oo la shatiyeeyay.
Goobaha ugu badan ee daryeelka carruurta ma aha xarunta daryeelka caruurta oo shatiyaysan. Waa guri khaas loo leeyahay halkaa oo shaqada daryeelayaasha carruurtu ay caadi ahaan tahay mid aan shati lahayn oo aanay nidaamin hay'adaha dawliga ah.
Daryeelayaasha ah qoyska, saaxiibka iyo deriska waxay yeelan karaan dhiirigelin kala duwan si ay u bixiyaan daryeelka carruurta iyo ujeedooyinka kala duwan ee naftooda iyo carruurta ay daryeelaan. Inta badan daryeelayaasha FFN waxa ku dhiirigaliya in ay bixiyaan daryeelka qaabkan ah iyaga oo ka duulaya dareen waajibaadkooda ah in ay taageeraan qoyskooda, deriskooda ama bulshadooda, iyo jacaylka iyo dareenka ay u qabaan caruurta ay daryeelaan. Kuwo badanna isuma tixgaliyaan bixiyeyaal haba yaraatee laakiin ayeeyo, eedo/habaryar iyo saaxiibo qoys nololeed ah oo daryeela caruur ay jecel yihiin. Daryeelayaasha qaraabada iyo deriska ah inta badan waxay ka soo jeedaan dhaqanka, luqadda iyo hababka korinta carruurta ee qoysaska ay u daryeelaan. Daryeelayaashani waa xubno lagu kalsoon yahay oo ka tirsan qoysaskooda iyo bulshooyinkooda, waana ikhtiyaarka daryeelka ilmaha ee sida badheedhka ah ugu xushaan qoysas badan, gaar ahaan dhallaankooda. Waxay sidoo kale inta badan yihiin daryeelayaasha ay heli karaan waalidiinta shaqeeya saacadaha aan caadiga ahayn ama aan la saadaalin karin, rabo inay walaalaha isla joogaan, oo raadinaya daryeelka ugu jaban.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Qorshaynta, Cilmi-baarista iyo Qiimaynta (OPRE) ee Maamulka Carruurta iyo Qoysaska (ACF), Sahanka Qaran ee Daryeelka iyo Waxbarashada Yaraanta (NSECE) ee Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka tirada bixiyeyaasha FFN ee Minnesota 2019 waxay ahayd 82,700.
Ma jiraan wax xannibaado ah oo ku wajahan daryeelayaasha FFN ilaa ay iskaga diiwaan galiyaan Barnaamijka Kaalmada daryeelka Carruurta sida bixiye daryeelka caruurta ahaan oo aan shatiyaysnayn (LNL). LNLs waa inay buuxiyaan shuruudo kala duwan, oo ay ku jiraan dhammaystirka baaritaanka taariikheed iyo tababarka caafimaadka iyo badbaadada.
Noqoshada LNL waxay kuu ogolaanaysaa inaad ka qaybgasho Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Carruurta (CCAP) kaas oo ku siinaya ilo dheeraad ah iyo sidoo kale u ogolaanaya qoysaska/mas'uuliyiinta u qalma ee carruurta aad daryeesho inay helaan kaalmada bixinta kharashka daryeelkaaga.
Wakaaladaha Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Carruurta waxay kormeeraan bixiyeyaasha daryeelka carruurta ee aan shatiyaysnayn ee daryeela carruurta aynan dhalin, laakiin laga yaabo inay ka tirsan yihiin qoyska. Booqashooyinka kormeerka ayaa loo qorsheeyey bixiyeyaashan 12-kii biloodba mar. Kuwa si gaar ah u daryeela xubnaha qoyskooda (xaqiiji tan) lama kormeero.