Waa maxay Dib-u-cusboonaysiin?
Dib-u-cusboonaysiinta waa dib-u-eegis lagu sameeyo dakhligaaga iyo macluumaadka kale si loo eego haddii adiga iyo xubnaha kale ee qoyska aad wali u-qalantaan Medical Assistance (MA) ama MinnesotaCare.
Hadba intee jeer ayaan u baahanahay inaan cusbooneysiiyo caymiskayga caafimaadka?
Inta badan dadka ka diiwaangashan MA iyo MinnesotaCare waxaa inay saameeyaan dib-u-cusboonaysiin ah sanadkiiba hal mar.
Waxaan diiwaangashnaa in ka badan hal sano. Waa maxay sababta aan u cusboonaysiin Medical Assistance ama MinnesotaCare?
Si aad u sii haysato caymiskaaga caafimaadka inta lagu jiro xaaladda degdega ah ee COVID-19, dib-u-cusboonaysiinta MA iyo MinnesotaCare waa la joojiyay. Cusbooneysiinta ayaa mar kale bilaaban doonta.
Maxaan ugu baahanahay inaan dhamaystiro dib-u-cusboonaysiinta?
Dib-u-cusboonaysiin ayaa loo baahan yahay si dib loogu eego u-qalmitaankaaga si loo hubiyo inaad wali u qalanto caymiska caafimaadka.
Goorma ayaan heli doonaa foomamka cusboonaysiinta?
Haddii aad leedahay MA, waxaad filan kartaa inaad hesho foomamka cusboonaysiinta qiyaastii laba bilood ka hor bisha aad markii hore codsatay caymiska caafimaadka. Tusaale ahaan, haddii aad codsatay Luulyo, foomamkaaga dib u cusboonaysiinta MA ayaa laguugu soo diri doonaa bisha Maajo. Ha werwerin haddii aadan xasuusan markaad codsatay. Waxaan boostada kuugu soo diri doonnaa foomamka dib-u-cusboonaysiinta marka ay gaadho wakhtiga dib-u-cusboonaysiinta MA-gaaga.
Haddii aad leedahay MinnesotaCare, waxaad filan kartaa inaad hesho foomamkaaga cusboonaysiinta Oktoobar 2023.
Maxaan filan karaa marka la gaadho wakhtiga dib-u-cusboonaysiintayda?
Qiyaastii lix toddobaad ka hor inta aan boostada laguugu soo dirin foomamkaaga dib-u-cusboonaysiinta, waxaanu kuu soo diri doonnaa warqad kuu sheegaysa sida aad isugu diyaarinayso oo aad uga fiirsato cusboonaysiintaada boostada.
Marka ay gaadho wakhtiga dib u cusboonaysiintaada, waxaanu boostada kuugu soo diri doonnaa foomamkaaga cusboonaysiinta iyo tilmaamaha.
Sideeen ayaan ku heli doonaa foomamka dib-u-cusboonaysiinta?
Foomamka cusboonaysiinta waxaad ku heli doontaa boostada. Waxaan u diri doonaa ciwaanka boostada ee aan ku hayno faylkaaga MA ama MinnesotaCare.
Sideen ku hubiyaa in aan ku helo foomamka dib-u-cusboonaysiinta ee boostada?
Haddii aad guurto, hubi inaad ka warbixiso ciwaankaaga cusub isla markaaba.
Haddii aad leedahay MA, ama qoyskaaga leeyahay labudaba MA iyo MinnesotaCare, wac degmadaada ama wakaalada qabiilkaaga.
Haddii aad leedahay MinnesotaCare, wac Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka ee DHS 651-297-3862 ama 800-657-3672.
Sidee la iiga caawin karaa foomka dib-u-cusboonaysiinta?
Waxaa lagaa caawin karaa buuxinta foomkaaga dib-u-cusboonaysiinta adigoo:
- Wacayo ama booqanaya Jiheeyaha Shahaadaysan ee MNsure. Waxay kaa caawin karaan ka jawaabista su'aalahaaga ama buuxinta foomka dib-u-cusboonaysiinta. Tag Hage-Kaaliyaha si aad u hesho jiheeye ku caawin kara oo ku hadla luqadaada.
- Haddii aad leedahay MA, la xiriir degmadaada ama wakaalada qabiilkaaga si ay kuu caawiyaan.
- Haddii aad leedahay MinnesotaCare, ama qoyskaagu leeyahay labada MA iyo MinnesotaCare, kala xiriir Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka ee DHS 651-297-3862 ama 800-657-3672.
Miyaan la soo diraa caddaynta dakhligayga foomka dib-u-cusboonaysiinta?
Haa. La soo dir caddaynta dakhligaaga foomka dib-u-cusboonaysiinta. Waxa laga yaabaa inay naga caawiso deg-degsiinta hawsha dib-u-cusboonaysiintaada. Ku dar:
- Risiidhka Lacag bixinta dadka mushaharka qaata
- Canshuur-celinta dakhliga federaalka ee ugu dambeeyay ama diiwaanka ganacsiga ee dadka iskood u shaqeysta
- Dukumeenti ama koobiyo jeegag haddii aad leedahay dakhliyo kale
Halkeen u diraa foomka dib-u-cusboonaysiinta ee dhamaystiran?
U soo celi wakaaladda ku qoran warqadda xog-koobidda ee la socota foomkaaga dib-u-cusboonaysiinta. Haddii aadan haysan warqadda xog-koobidda oo aad leedahay MA, la xiriir degmadaada ama wakaaladda qabiilka. Haddii aadan haysan warqadda xog-koobidda oo aad leedahay MinnesotaCare, ama qoyskaagu leeyahay labadaba MA iyo MinnesotaCare, kala xiriir Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka ee DHS 651-297-3862 ama 800-657-3672.
Maxaa dhacaya haddii aanan soo celin foomka dib-u-cusboonaysiinta?
Caymiskaaga caafimaad wuu joogsan doonaa.
Waxaan filayaa inaanan u qalmin. Miyaan weli buuxinayaa foomka dib-u-cusboonaysiinta?
Haa, haddii aad rabto inaan go'aan ka gaarno inaad weli u qalanto, ama aad aragto haddii aad u qalanto barnaamij caymis caafimaad oo ka duwan
Ma soo celin karaa foomka dib-u-cusboonaysiinta ka dib taariikhda kama dambaysta ah?
Haa. U buuxi oo u soo celi foomka dib-u-cusboonaysiinta sida ugu dhakhsaha badan ee aad awooddo, xitaa haddii caymiskaagu dhammaaday. Waxaan dib u eegi doonnaa kiiskaaga mar kale haddii aan ku helno foomka dib-u-cusboonaysiinta afar bilood gudahood ka dib marka caymiskaaga la xiro. Intaa ka dib, waxaad u baahan doontaa inaad dib u codsato.
Goorma ayaa foomka cusboonaysiinta laga shaqeynayaa?
- Foomamka cusboonaysiinta waxaa loo habeeyaa sida ay u kala horreeyaan ee ay so gaaraan degmadaada ama hay'adda qabiilka ama DHS.
- Cusbooneysiintaadu waxay qaadan doontaa waqti dheeraad ah haddii aysan dhameystirneyn ama aan la saxiixin. Ka jawaab su'aalaha oo dhan oo saxeex foomkaaga cusboonaysiinta si aad nooga caawiso inaan si dhakhso leh uga shaqeyno.
- DHS ayaa ku ogeysiin doonta marka foomkaaga dib u cusboonaysiinta laga hawl bogo. Waxaan kuu soo diri doonnaa ogeysiis haddii aan kaaga baahannahay macluumaad dheeraad ah si aan go'aan uga gaarno u-qalmitaankaaga. Waxaan kuu soo diri doonaa ogeysiis si aan kuu sheegno in xaq u yeelashadaada la cusbooneysiiyay.
Haddii aan haysto MinnesotaCare, maxaan u baahanahay inaan ka ogaado khidmadahayga MinnesotaCare inta lagu jiro wakhtiga cusboonaysiinta?
- Sii wad inaad bixisid cadadka ku qoran qaansheegtaada. Khidmadaada MinnesotaCare waxa laga yaabaa inay is beddesho ka dib marka foomkaaga cusboonaysiinta laga shaqeeyo.
- Ogeysiisyada khidmadaha ah ee aad hesho bilaha Noofambar iyo Diseembar waxa laga yaabaa inay qaddarta khidmad muujiso "aan la garanayn" halkii ay ka ahaan lahayd qaddar dollar ah oo cayyiman. Haddii aad hore u soo celisay foomkaaga cusboonaysiinta, tani waxay la macno tahay in aan laga hawlgelin/laga shaqeyn ama aan la helin ama wakaaladu ay kaa sugayso macluumaad dheeraad ah. Haddii aadan soo celin foomkaaga cusboonaysiinta, waa inaad ku soo celisaa taariikhda laguu qabtay ama u-qalmitaankaagu wuxuu dhammaan doonaa Diseembar 31.