Hel caawimaad ku aadan dhibaatooyinka khamriga iyo isticmaalka daroogada


somal-america-web-version-1000x481

Minnesota waxay leedahay noocyo badan oo ah daawaynta dadka la dhibaataysan isticmaalka khamriga iyo daroogada. Waa muhiim inaad ogaato nooca adeegyada isticmaalka maandooriyaasha ee ugu haboon dedaalkaaga soo kabashada.

Adeegyada daawaynta

Adeegyada xanuunka laga qaado isticmaalka maandooriyaasha waxaa kamid ah: 

  • Qiimayn ballaaran 
  • Adeegyada daawaynta ee aan dadka la seexin (bukaan socod) ee shaqsiyaadka iyo kooxaha 
  • Adeegyada daawaynta ee dadka la seexiyo 
  • Daawaynta Bukaan Jiifka ee isbitaalka lagu baxsho 
  • Xakamaynta xanuunka ka dhasha jooginta maandooriyaha ee lagu baxsho xarunta la seexdo 
  • Baxnaaniyaasha daawada lagu taageero (tan waxaa ku jira barnaamijyada daawaynta opioid oo baxsha daawooyinka methadone iyo baxnaaninta kale, iyo adeeg bixiyaasha xarumaha leh ee dadka u qora daawooyinka lagu daaweeyo xanuunka laga qaado isticmaalka maandooriyaasha) 
  • Iskudubaridka daawaynta • Taageerada soo kabashada ee dadka isku xaalada ah baxshaan.

Xog badan ka ogoow