skip to content
Primary navigation

Cusbooneysiinta ootomaatiga ah ee Medical Assistance (MA) Medicare Savings Program (MSP)

Haddii aad ka diiwaan gashan tahay MA ga dadka Jira 65 Sano ama Ka wayn ama Dadka Indhoolka ah Naafada ah (MA-ABD), ama haddii haysato Barnaamijyada Medicare Savings (MSP), waxaa suurtagal ah inaad awoodo in caymiskaaga la cusbooneysiiyo ayadoo aan wax talaabo ah looga baahan dhankaaga.

Sidee cusbooneysiinta otomaatiga ah u shaqeysaa

Wakaalada degmadaada ama qabiilkaaga ayaa dib u eegis ku samayn doonta MA gaaga ama MSP gaaga haddii ay u baahan yihiin xogta dakhliga iyo hantida oo ay ka helayaan ilaha xogta elektarooniga ah si loo xaqiijiyo inaad wali u qalanto. Waxaad ka helaysaa tilmaamaha dakhliga iyo hantida ee barnaamijka (DHS-3641A) (PDF) oonlaynka.

Haddii MA gaaga ama MSP ka la cusbooneysiiyo, waxaan kuusoo diri doonaa ogeysiis ku saabsan cusbooneysiintaada iyo caymiska MA ama MSP. Ogeysiiska ayaa sharaxi doona sababta caymiskaaga loo cusbooneysiiyay. 

Tusaalaha qaabka uu noqonaayo ogeysiiskaagu:

ma-automatic-renewal

Si loo akhriyo ogeysiiska

Dib u eegis ku samee faahfaahintaada cusbooneysiinta otomaatiga ah ee ku qoran ogeysiiska aan kuu soo dirnay. Faahfaahintaan waxaa ku  jiri kara:

  • Magacaaga
  • Ciwaankaaga
  • Xajmiga qoyskaaga
  • Cadadka ama isha dakhligaaga (aad shaqeysatay ama aadan shaqeysan)
  • Cadadka gunnada qiimaha kaaga baxay caafimaadka ama daryeelka mudada dheer, hadduu jiro

Haddii dhammaan xogta ogeysiiskaan ku qoran ay sax tahay: Uma baahnid inaad wax talaabo ah qaado.

Haddii wax kamid ah xogta ogeysiinkaan ay khaldan tahay: La xiriir shaqaalahaaga ku qoran ogeysiiska si aad u soo sheegto isbadelka 10 maalmood gudahood.

Maxaa dhacaaya haddii MA geyga aan si otomaatig ah loo cusbooneysiin karin?

Haddii wakaalada degmadaada ama qabiilka aysan cusbooneysiin karin MA gaaga ama MSP-kaaga ayadoo la raacaayo xogta ka timid ilaha eletarooniga ah, waxaan foomka cusbooneysiinta daryeelka caafimaadka kuugu soo direynaa boostada. Ku dhameystir cusbooneysiintaada waqtigeeda si aad iskaga ilaaliso kala go'a caymiska. Waxaad xog badan ka ogaan kartaa hanaankaan adoo booqanaaya Webseedka Cusbooneysii caymiskayga.

Hel Caawimaad dheeri ah

  • La xiriir xafiiskaaga maxaliga ah
  • La xiriir Taageerada Daryeelka Caafimaadka ee DHS si aad u waydiiso su'aalaha guud adoo wacaaya 651-297-3862 ama 800-657-3672.

Naga caawi inaan hagaajino khibradaada

Ma haysaa fikir ku aadan cusbooneysiintaada otomaatiga ah? Waan doonaynaa inaan fikirkaaga maqalno! Haddii aad xiiseynayso inaad fikir ka dhiibato khibradaada, fadlan buuxi foomka xog uruurinta

back to top