Xaq u yeelashada Cusbooneysiinta MA iyo MinnesotaCare
Haddii aad leedahay Medical Assistance (MA) ama MinnesotaCare, Waaxda Adeegyada Aadanaha (DHS) waa inay dib u eegtaa u-qalmitaankaaga sannadkiiba mar si ay u ogaato inaad weli u qalanto iyo in kale. Habkan waxa loo yaqaan cusboonaysiin.
Marka la gaadho wakhtiga dib u cusboonaysiinta caymiskaaga MA waxaad heli doontaa xidhmada cusboonaysiinta. Baakadda cusboonaysiinta gudaheeda waxaad ka heli doontaa warqad macluumaad sida oo leh tilmaamo iyo taariikhda laguu qabtay. Waa inaad buuxisaa foomka cusboonaysiinta ee ku lifaaqan oo aad ku soo celisaa caddaymaha loo baahan yahay taariikhda laguu qabtay. Marka aan helno foomkaaga cusboonaysiinta oo dhammaystiran, waxaanu go'aamin doonaa inaad wali usii qalanto caymiska daryeelka caafimaadka iyo in kale.
Marka ay gaadho wakhtiga dib u cusboonaysiinta MinnesotaCare, DHS ayaa kuu soo diri doonta ogaysiis sharaxaya waxa la samaynayo.
Haddii aan si toos ah u cusbooneysiin karno MinnesotaCare, waxaan kuu soo diri doonnaa ogeysiis iyo warbixin kooban. Waa inaad dib u eegtaa xogta kooban si aad u hubiso in dhammaan macluumaadka adiga iyo qoyskaaga kugu saabsan ay sax yihiin. Uma baahnid inaad wax kale samayso, ilaa ay jirto isbedel ama sixid ay tahay inaad sheegto ma ahane.
Haddii aanan si toos ah u cusbooneysiin karin MinnesotaCare, waxaan kuu soo diri doonaa foomka cusboonaysiinta si aad u buuxiso, u saxiixdo oo aad u soo celiso. Waa inaad foomka ku soo celisaa foomka taariikhda laguu qabtay. Marka aan helno foomkaaga cusboonaysiinta oo dhammaystiran, waxaanu go'aamin doonaa inaad wali usii qalanto caymiska daryeelka caafimaadka iyo in kale.
Waa maxay Dib-u-cusboonaysiin?
Dib-u-cusboonaysiinta waa dib-u-eegis lagu sameeyo dakhligaaga iyo macluumaadka kale si loo eego haddii adiga iyo xubnaha kale ee qoyska aad wali u-qalantaan Medical Assistance (MA) ama MinnesotaCare.
Hadba intee jeer ayaan u baahanahay inaan cusbooneysiiyo caymiskayga caafimaadka?
Inta badan dadka ka diiwaangashan MA iyo MinnesotaCare waxaa inay saameeyaan dib-u-cusboonaysiin ah sanadkiiba hal mar.
Waxaan diiwaangashnaa in ka badan hal sano. Waa maxay sababta aan u cusboonaysiin Medical Assistance ama MinnesotaCare?
Si aad u sii haysato caymiskaaga caafimaadka inta lagu jiro xaaladda degdega ah ee COVID-19, dib-u-cusboonaysiinta MA iyo MinnesotaCare waa la joojiyay. Cusbooneysiinta ayaa mar kale bilaaban doonta.
Goorma ayaan heli doonaa foomamka cusboonaysiinta?
Haddii aad leedahay MA, waxaad filan kartaa inaad hesho foomamka cusboonaysiinta qiyaastii laba bilood ka hor bisha aad markii hore codsatay caymiska caafimaadka. Tusaale ahaan, haddii aad codsatay Luulyo, foomamkaaga dib u cusboonaysiinta MA ayaa laguugu soo diri doonaa bisha Maajo. Ha werwerin haddii aadan xasuusan markaad codsatay. Waxaan boostada kuugu soo diri doonnaa foomamka dib-u-cusboonaysiinta marka ay gaadho wakhtiga dib-u-cusboonaysiinta MA-gaaga.
Maxaan filan karaa marka la gaadho wakhtiga dib-u-cusboonaysiintayda?
Qiyaastii lix toddobaad ka hor inta aan boostada laguugu soo dirin foomamkaaga dib-u-cusboonaysiinta, waxaanu kuu soo diri doonnaa warqad kuu sheegaysa sida aad isugu diyaarinayso oo aad uga fiirsato cusboonaysiintaada boostada.
Marka ay gaadho wakhtiga dib u cusboonaysiintaada, waxaanu boostada kuugu soo diri doonnaa foomamkaaga cusboonaysiinta iyo tilmaamaha.
Sideeen ayaan ku heli doonaa foomamka dib-u-cusboonaysiinta?
Foomamka cusboonaysiinta waxaad ku heli doontaa boostada. Waxaan u diri doonaa ciwaanka boostada ee aan ku hayno faylkaaga MA ama MinnesotaCare.
Sideen ku hubiyaa in aan ku helo foomamka dib-u-cusboonaysiinta ee boostada?
Haddii aad guurto, hubi inaad ka warbixiso ciwaankaaga cusub isla markaaba.
Wac ama booqo tusahaaga MNsure-certified. Tusayaasha ayaa laga heli karaa gobolka oo dhan. Waxay ka jawaabi karaan su'aalaha aasaasiga ah, waxay kaa caawin karaan buuxinta foomka cusboonaysiinta iyo dukumentiyada fakiska. Tusayaasha kama shaqeysiin karaan foomamka dib u cusboonaysiinta kumana samayn karaan isbedel kiiskaaga.
Haddii xubnaha qoyskaagu ay haystaan MinnesotaCare ama MinnesotaCare iyo MA:
Wac ama booqo tusaha MNsure Certified. Tusayaasha ayaa laga heli karaa gobolka oo dhan. Waxay ka jawaabi karaan su'aalaha aasaasiga ah, waxay kaa caawin karaan buuxinta foomka cusboonaysiinta iyo dukumentiyada fakiska. Tusayaasha kama shaqeysiin karaan foomamka dib u cusboonaysiinta kumana samayn karaan isbedel kiiskaaga.
Ka wac Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka (HCCS) DHS 800-657-3672 ama 651-297-3862.
Fiiro Gaar ah: Haddii aadan u baahnayn inaad la kulanto shaqaale, waxaad geyn kartaa foomamka cusboonaysiinta iyo cadaymaha loo baahan yahay ciwaanka soo celinta ee ku qoran dib u cusboonaysiinta ama degmo kasta, qabiil, xafiiska tusaha ama HCCS. Haddii aad u baahan tahay inaad la kulanto shaqaale, waa inaad la xiriirtaa wakaaladda ku qoran ogeysiiska cusboonaysiinta.
Foomamka cusboonaysiinta waxaa loo habeeyaa sida ay u kala horreeyaan ee ay so gaaraan degmadaada ama hay'adda qabiilka ama DHS.
Cusbooneysiintaadu waxay qaadan doontaa waqti dheeraad ah haddii aysan dhameystirneyn ama aan la saxiixin. Ka jawaab su'aalaha oo dhan oo saxeex foomkaaga cusboonaysiinta si aad nooga caawiso inaan si dhakhso leh uga shaqeyno.
DHS ayaa ku ogeysiin doonta marka foomkaaga dib u cusboonaysiinta laga hawl bogo. Waxaan kuu soo diri doonnaa ogeysiis haddii aan kaaga baahannahay macluumaad dheeraad ah si aan go'aan uga gaarno u-qalmitaankaaga. Waxaan kuu soo diri doonaa ogeysiis si aan kuu sheegno in xaq u yeelashadaada la cusbooneysiiyay.
Sii wad inaad bixisid cadadka ku qoran qaansheegtaada. Khidmadaada MinnesotaCare waxa laga yaabaa inay is beddesho ka dib marka foomkaaga cusboonaysiinta laga shaqeeyo.
Ogeysiisyada khidmadaha ah ee aad hesho bilaha Noofambar iyo Diseembar waxa laga yaabaa inay qaddarta khidmad muujiso "aan la garanayn" halkii ay ka ahaan lahayd qaddar dollar ah oo cayyiman. Haddii aad hore u soo celisay foomkaaga cusboonaysiinta, tani waxay la macno tahay in aan laga hawlgelin/laga shaqeyn ama aan la helin ama wakaaladu ay kaa sugayso macluumaad dheeraad ah. Haddii aadan soo celin foomkaaga cusboonaysiinta, waa inaad ku soo celisaa taariikhda laguu qabtay ama u-qalmitaankaagu wuxuu dhammaan doonaa Diseembar 31.