skip to content
Primary navigation

Ku saabsan FFN

Siinta taageero Daryeelayaasha Qoyska, Saaxiibka iyo Deriska (FFN) Minnesota

FFN Minnesota waxay halkan u joogtaa inay isku xiriiriso daryeelayaasha FFN iyo tusayaasha FFN ee deegaanka ee bixin kara taageero joogto ah inta ay daryeelayaan carruurta. Taageeradaas waxay ku timaadaa qaabab badan: kulan fool-ka-fool ah oo lala yeesho tusayaasha deegaanka, tababarka, agabka ilaha iyo waxyaabo kaloo badan.

Daryeelayaasha Carruurta ee Qoyska, Saxiibka iyo Deriska (FFN) waxay qoysas badan siiyaan daryeelka caruurta oo sharci ah, ee aan shatiyaysnayn. Daryeelayaasha FFN waa dookha koobaad ee daryeelka ee waalidiinta leh dhallaanka iyo socod baradka, waalidiinta ku nool bulshooyinka dhaqamada iyo qowmiyadaha kala duwan, iyo waalidiinta shaqeeya saacadaha aan caadiga ahayn.

Daryeelayaasha qoyska, saaxiibka iyo deriska (FFN) waxay qoysas badan siiyaan daryeelka carruurta. Daryeelayaasha FFN waa dookha koowaad ee waalidiinta leh dhallaanka iyo socod baradka, waalidiinta ku nool bulshooyinka dhaqamada iyo qowmiyadaha kala duwan, iyo waalidiinta shaqeeya saacadaha aan caadiga ahayn.

Iyadoo la kaashanayo ururada Minnesota oo dhan, FFN Minnesota iyo tusayaasha FFN waxay halkan u joogaan inay ku caawiyaan bixinta khayraadka iyo adeegyada taageerada dhammaan daryeelayaasha FFN. Tusayaasha FFN waxay la shaqeeyaan Qaybta Adeegyada Daryeelka carruurta ee Waaxda Adeegyada Dadweynaha si ay uga taageeraan daryeelayaasha FFN bixinta daryeel tayo leh, fursadaha waxbarashada yaraanta, horumarka caafimaadka leh iyo u diyaarsanaanta dugsiga la wanaajiyay.

Tuayaasha FFN waxay ku yaalaan Minnesota oo dhan.

Hel Tuse Kuu Dhow

Hel taageerada aad mudan tahay!

Hel tusaha FFN ee deegaanka ah oo ku siin kara taageerada aad u baahan tahay - sida tababarka iyo agabka lagu horumariyo oo kor loogu qaado caafimaadka iyo badbaadada carruurta.

Hel tuse kuu dhow
woman viewing a tablet with grand children

 

 

Sababta qoysasku ugu tiirsan yihiin daryeelayaasha FFN

Kuma koobnid un kaliya ilmo-xanaaneeye

Daryeelaha FFN ahaan, waxaad bixisaa daryeel ka baxsan nidaamka daryeelka carruurt ee soo jireenka ah (daryeelka maalinta, xarumaha daryeelka maalinta, daryeel bixiyayaasha shatiyaysan). Inaad noqoto bixiye sharciyaysan oo bilaa shati ah waa ikhtiyaar u banaan daryeel bixiyayaasha, waxayna kuu ogolaanaysaa inaad ka qaybgasho Barnaamijka Kaalmada Daryeelka Carruurta. Tusaha FFN ee deegaankaaga ayaa ku caawin kara inta uu socdo nidaamka Bixiyaha LNL.

Baro wax badan oo ku saabsan noqoshada Bixiye LNL ah
woman reading book to a small child
 
back to top